Dowladda Federalka Ayaa Codsatay In La Bedelo Ergeyga Cusub Ee Midowga Afrika Ee Soomaaliya

 

10-05-2021

 

MUQDISHO – Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u qortay Midowga Afrika waxa ay uga dalbatay in la bedelo ergeyga cusub ee dhowaan Midowga Afrika u soo magacaabay Dalka Soomaaliya Joon Mahama (John Mahama).

Warar hoose oo ay Shabakada Jowhar ay heshay ayaa tibaaxaya in Dowladda Soomaaliya ay Qoraalkeeda ku sheegtay in aan lagala tashan Magacaabista Madaxweynihii Hore ee Gaana (Ghana) Joon Mahama (John Mahama) isla markaana aan loo marin Nidaamka Diblumaasiyadda.

Sidoo kale Dowladda Federalka ayaa ku tilmaamtay Ergeyga Cusub ee Midowga Afrika magacawday in aanu dhex-dhexaad ka noqon karin Arrimaha Soomaaliya, maadaama uu Dano Ganacsi ku leeyahay Dalka Kenya.

Si kasta ha ahaato, Madaxweynaha Waqtigiisu Dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Booqasho Degdeg ah ku tegey Dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Koongo, isagoo Caasimada Dalkaas ee Kinshaasa kula kulmay Madaxweynaha Dalkaasi oo ah Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee Sanadkan.

Xigasho: Jowhar News

 

Leave a Reply