Saraakiil Booliis Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

 

09-05-2021

 

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inuu goor dhowayd Qarax ka dhacay meel u dhow Saldhigga Booliiska ee Degmada Waaberi.

Qaraxan oo xoogganaa ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac. Qaraxa waxa lala beegsaday Saldhigga Waaberi.

Ilo dhinaca Amniga aha yaa u sheegay VOA inay Weerarkan ku dhinteen Lix Qof oo laba kamid ah ay yihiin Ciidamada Booliiska, Labana Saraakiisha Ciidanka.

Wakaaladda Wararka ee Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Weerarka ay ku dhinteen Taliyihii Booliiska ee Degmada Waaberi Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye Kuxigeenkii Qaybta Booliiska ee Weliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamuud.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu sababay Qof watay Jaakad laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa.

Xigasho: VOA Somali

Leave a Reply