Hawlgalo Laga Sameeyay Degaanno Katirsan Gobolka Hiiraan

 

09-05-2021

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 5aad, Qeybta 27aad ayaa lagu soo waramayaa in Howgallo ay ka sameeyeen Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali Ganeey iyo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hogaamineysay Howlgalka ayaa waxey Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida u sheegeen in ay ka war heleen in Xubno katirsan Al-Shabaab ay Tuulada Quulaale ka abaabulayeen Weeraro ay kusoo qaadaan Degaano hoostaga Degmada Maxaas, kadibna ay weeraro kala hormareen Al-Shabaab.

Saraakkiisha waxey sheegeen in Al-Shabaab laga dilay 7 Dagaalame isla markaana laga dhaawacay 17 Dagaalame. Sidoo kale waxey Saraakiisha sheegeen in Ciidamda Xooga Dalka Soomaaliya ay Al-Shabaab ka gubeen Gaari Dagaal, kaasoo ay Al-Shabaab u isticmaali jireen Dagaalada iyo Weerarada ay ka geysanayaan Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeysti, Taliyaha Guutada 5aad, Qeybta 27aad Koloneel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa waxuu sheegay in ay sii socon doonaan Howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Degaannada ay wali kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply