Faafaahino Kasoo Baxaya Guri Kusoo Dumay Reer

 

09-05-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GMM) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qasaarahii ka dhashay Derbi kusoo dumay Reer Barakacyaal ah oo ku noolaa Deegaanka Garasbaaley ee Koonfurta Magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in Reerka uu Derbiga ku soo dumay isla markaana u geeriyooday, in ay ka koobnaayeen Hooyo, Shan Caruur ah oo ay dhashay iyo Ilmo kale oo la joogay. Waxaa kale oo jiro Dhaawacyo soo gaaray afar Qofood oo kale oo Deris la ahaa Reerka, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadka Degaanka Garasbaaley ayaa waxey sameeyeen Dadaalo loogu soo gurmanaye Reerka iyo Deriskooda, si markaasi loo badbaadiyo. Ha yeeshee, waa ay ku guuldareysteen Gurmadkii ay ku doonayeen iney ku badbaadiyaan Hooyada, Shanteeda Ilmood, iyo Ilmihi kale.

Maalintii Jimcada ay aheyd markii Xaafada Buula Xuubey ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir ay ku dhimanayeen Sagaalka Qofood oo Shan kamid ahna ahaayeen Ilmo isku Reer ah, waxaana Dhimashadooda u sabab ahaa Daadadkii Roobka da’ay ee ugu galay Gurigii, sida uu sheegay Ilmaha Adoogood oo badbaaday.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya, Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe.

 

Leave a Reply