Taliska Booliska Ayaa La Kulmay Madaxweyenihii Hore Ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud

 

08-05-2021

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan Taliye Kuxigeenka iyo Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay Qorshaha Sugidda Amniga Musharaxiinta ee Xilliga Doorashooyinka.

Taliyaha Booliska iyo Kuxigeenkiisa ayaa sidoo kale ka cudurdaartay Dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo in aysan ka jawaabin Eedeymo uga yimid Midowga Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Kulankasi looga hadlay Fulinta Qorshayaashii Amniga ee dhawaan ay gaareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta ee Muqdisho looga saaray Ciidankii Badbaado Qaran.

Xigasho: Radio Risalaa

Leave a Reply