Madaxweynehii Hore Ee Soomaaliya Shariif Sheekh Oo Baaq U Diray Dowladda Federaalka, Kadib Musiibo Dhacday

 

08-05-2021

 

Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa Xalay la kulmay Qoysas ay Carruur ay Shalay uga dhinteen Daadad xoogan oo ka dhashay Roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Qoysaska uga tacsiyeeyay Carruurtii ka geeriyootay, isla markaana waxaa uu Alle ugu baryay inuu Badal kheyr qaba iyo Simmir ku irsaaqo Qoysaska, isagoona Garab-istaagna u muujiyay.

Mudane Xasan Cabdullaahi Gacal oo 5 Carrruur ah ku waayay Musiibada, Mudane Aadan Jabriil Sheekh oo 3 Carruur ah ka geeriyootay iyo Waalid 3 Carruur ah oo Hooyadood Cisbitaal la dhigay, ayaa u mahad celiyey Madaxweynihii Hore ee Dalka iyo Xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale, wuxuu Madaxweynehii Hore Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed uu ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in la gargaaro Dadka Dhibaatadu gaartay oo Carruurtoodii ku waayay Daadad ka dhashay Roobkii ka da’ay Muqdisho, maadaama lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh ayaa waxaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wax ka qabato sababaha keenay in Daadadku ku rogmadaan Xaafadaha Dadku deggan yahay.

Daadadka ka dhashay Roobabka Xoogan ee ka da’ayay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ugu yaraan ku geeriyootay 7 Carruur kadib markii Daadadkaasi ay Carruurta ugu galeen Gurigii ay ku sugnaayeen oo ku yaalla Xaafadda Buula Xuubey ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Xigasho: Borama News

Leave a Reply