Kulan Gaar Ah Uu Taliyaha Ciidanka Booliska Uu La Qaatay Madaxweynehii Hore Shariif Shiikh Axmed

 

08-05-2021

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Galabta Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mudane Shariif Sh. Axmed.

Inta uu socday Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Amniga Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Xoojinta Heshiiskii laga gaaray Qalalaasihii ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay Muddo Kororsiga.

Waxaa kaloo Kulanka Taliye Xijaar iyo Madaxweynehii Hore ee Dalka Shariif Shiikh Axmed looga wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa Kalsoonidii ay markii hore Musharaxiinta ku qabeen Ciidanka Booliska Dowladda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Xalay Hoygiisa ku booqday Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyagoona ka wada hadlay Qorshaha Sugida Amniga Musharaxiinta.

Kulamadan uu Taliye Xijaar la qaatay Madaxweyneyaashii Hore ee Dalka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Maalintii Shalay aheyd Magaalada Muqdisho isaga baxeen Ciidamada Milateriga ee kasoo horjeeday Muddo Kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply