Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ayaa Booqday Reero Uu Saameeyay Roobkii Da’ay

 

08-05-2021

 

MUQDISHO – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xalay booqday Reerihii uu saameeyay Roobkii Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho, waxa uuna uga tacsiyadeeyay Dhibkii uu geestay Roobkii xooganaa ee ka day’ay Magaalo Madaxda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab taagan yahay Reerihii uu saameeyay Roobka, isagoo dhanka kale ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay Gurmad deg-deg soo gaarsiiyaan Dadkii ku waxyeeloobay Qasaarooyinkii ka dhashay Roobkii Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhankale Kormeer ku tagay qaar kamid Waddooyinka Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo Saameynta uu Roobka u geestay Bilicda Magaalo Madaxda Soomaaliya iyo isku socodkeeda, waxaa uuna faray Waaxda Howlaha Guud ee Dowladda Hoose Muqdisho in ay xoojiyaan Howlaha kor loogu qaadayo Bilicda, isla markaana dib loogu furayo Waddooyinka ay biya dhigeen Daadadka Roobka.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply