Garyaqaan Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

 

08-05-2021

 

Koox hubeysan oo aan la garaneyn ayaa waxey goor dhaw Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ay ku dileen Garyaqaan (Avvocato) Cabdullaahi Maxamed oo kamid ahaa Qarreennada Soomaaliya.

Sida Dad Goobjoogeyaal ah sheegeen Garyaqaanka ayaa waxaa lagu dilay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Kooxdii Dilka geysatayna ay goobta isaga baxsadeen.

Geerida Garyaqaanka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Ururka Qarreennada Soomaaliya, iyaga oo ku tilmaamay in uu ahaa Qof saameyn badan leh marka laga hadlayo dhinaca Aqoonta uu u lahaa Shaqadiisa. Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply