Wasiir Koowaad Rooble Baa Gaaray Dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya

 

07-05-2021

 

Prime Minister of Somalia Mohamed Hussein Roble arrived in Jeddah on Friday to perform Umrah rituals. Photo: Via Saudi Gazette

 

Wasiir Koowaadka Dowaladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray Dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, iyada oo halkaasi ay maanta uga bilaabatay Booqasho rasmi ah ee uu ku marayo Dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

Marki uu Wasiir Koowaad Rooble uu Magaalada Jidda ka degay, ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madax katirsan Boqortooyada Sacuudi Caraabiy; kadibna wuxuu usii gudbay Magaalada Makka; si marka hore uu u cimreysto.

Cimrada kadib, waxaa Rooble lagu wadaa inuu Magaalada Riyaad uu Kulamo kula yeesho Madaxda ugu sarreysa Boqortooyada Dalka Sacuudi Caraabiya Riyaad.

Isha Warkan: Keyd Media

 

Leave a Reply