Qasaaro Nafeed Oo Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Magaalada Muqdisho

 

07-05-2021

 

Warar dheeraad ayaa laga helayaa Carruur ku geeriyootay Guri ku yaalla Xaafadda Buula Xuubey ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, kadib markii Guriga ay ugu galeen Daadad ka dhashay Biyaha Roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Carruurta ay Biyo farabadan ugu galeen Gurigii ay ku sugnaayeen, waxaana Goobta ku geeriyootay in ka badan 6 Carruur oo qaarkood ay Biyaha Roobka ay qaadeen.

Rag Dhalinyaro ah oo degan Xaafadda Buula Xuubey ee Degmada Wadajir oo gurmad u sameeyay Qoyska ay Carruurta ka dhinteen ayaa soo badbaadiyay Carruur kale oo ku jiray Guriga.

Sidoo kale Guriga ay Biyaha Roobka da’ay, ay Magaalada Muqdisho ka galeen, ayaa qeyb kamid ah soo dumaty sida lagu arkay Sawirro laga soo qaaday Gurigaas, waxaana dhex daadsan biyo badan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin Carruurta ku geeriyootay Guri ku yaalla Xaafadda Buula Xuubey ee Degmada Wadajir, waxaana Xilliyada ay Roobabka da’aan, dhibaatooyin la kulmo qoysas danyar ah oo guryahooda ay biyo galaan .

Saacadihii lasoo dhaaafay ayaa waxaa Caasimadda Dalka ee Muqdisho ka da’ayay Roobab xoogan oo Biyo dhigay Waddooyinka waaweyn ee Mgaalada, waxaana Jawiga Maanta uu yahay mid qabow ah, Xilli Maalmihii dambe la dareemayay Kuleyl.

Xigasho: Radio Dalsan

 

Leave a Reply