Waxaa Muqdisho Ka Guuray Ciidamadii Kasoo Horjeestay Muddo Kororsiga Hareermarsanaa Dastuurka Soomaaliya

 

 

07-05-2021

 

Maanta waxaa mar kale Magaalada Muqdisho baneeyay Ciidamadii isku hor-fadhiyey, waxeyna dib ugu noqdaan Xeryahoodii kadib markii Wasiir Koowaad Maxamed Xuseen Rooble uu booqday Goobaha ay Fariisinka ku lahaayeen.

Ciidamada iyo Gaadiidkoodaba, waxey u dhaqaajiyeen Gobolka Shabeellada Dhexe oo ay markoodii hore ka yimaadeen, waxaana ugu wacnaa in Muqdisho ay yimaadaan; iyagoo markaasi u hiilinayay Demoqaraadiyadda isla markaana diidanaa Kelitalisnimada sida Muddo Kororsiga Labada Sanno ee loo sameeyay Madaxweynehii Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaaahi Farmaajo.

Shalay ay aheyd markii uu Wasiir Koowaadka Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, uu kormeerayay Furitaankaa Waddooyinkii u xirmay Iskahor-Imaadyadii u dhexeeyay Ciidankii kasoo horjeestay Muddo Kororsiga hareermarsanaa Dastuurka Soomaaliya iyo Ciidankii taageersanaa Muddo Kororsigaasi.

Isha Warkan: Radio Kulmiye

Leave a Reply