Ciidamo Ka Baxay Goobihii Ay Muqdisho Uga Sugnaayeen

 

06-05-2021

 

Qaar kamid ah Ciidamadii Badbaado Qaran ee ku sugnaa qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho sida Degmooyinka Holwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Kaaraan ayaa la sheegay iney ka baxeen Dhufeysyadii ay uga jireen Degmooyinkaasi, kadib markii uu Wasiir Kowwad Maxamed Xuseen Rooble uu booqday goobahaasi.

Wasiir Koowaad Rooble ayaa sheegay in Galabta ay si rasmi ahaan Muqdisho uga bilaabatay Qorshaha ay Ciidamada Badbaado Qaran ay uga baxayaan Dhufeysyada ay uga jiraan.

Ciidamadan ka baxayo Muqdisho, ayaa waxey qeyb ka aheyd Heshiis Maalintii Shalay oo Arbaco aheyd lagu gaaray Magaalo Muqdisho.

Isha Warkan: Radio Risaala

 

Leave a Reply