Wabiga Shabeelle Baa Ku Fatahay Deegaano Hoostaga Magaalada Jowhar

 

05-05-2021

 

Qeybo kamid ah Tuulooyinka hoosyimaada Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle, ayaa wax kasocda Qul-qulka Dadka ku barkacay Fatahaad uu sameeyayWabiga Shabeelle Sedexdii Cishe ee la soo dhaafay.

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay Tuulooyin ay ka mid yahiin Baarey iyo Moyko, oo hoos yimaado Magaalada Jowhar, sidoo kale Biyaha Fatahaada ayaa gooyay Dhul Beereed ay ku beernaayeen Dalagyo kala duwan, inkastoo Wasaaradda Beeraha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle aanay wali tirakoob rasmi ah ku sameynin Dhul Beereedkan ay Biyaha goyeen.

Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa sidoo kale xayirtay Isu-socodka Gawaarida isaga kala gooshta Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad. Sidoo kale waxa go’an Wadada xariiriso Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe iyo Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere.

Qiimaha Maaciishada ayaa Magaalada Jowhar laga dareemayaa sare u kac maadaama ay yaraadeen Gaadiidka Xamuulka ah ee soo gali jiray Magaalada.

Maaamul Goboleedka Hir-Shabelle ayaa ku hawlan sidii ay u xiri lahayeen Goobaha uu Wabiga Fatahadda ka sameeyay, waxaana lafilayaa in Maalmaha soo socda lagu guuleysto Xiritaanka Goobaha uu Wabiga ka fatahay.

– Radio Muqdisho

Leave a Reply