Heshiis Laga Gaaray Colaadii Ka Dhexeysay Ciidamadii Kusugnaa Muqdisho

 

05-05-2021

 

Waxaa Heshiis laga gaaray Xiisaddii Colaadeed ee Maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalo Madaxda Jahuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib markii Guddigii Farsamo ee uu magacaabay Wasiir Koowaad Maxamed Xuseen Rooble isla markaana ka kala socday Dowladda iyo Mucaaradkaa ay Galabta ku shireen Magaalada Muqdisho.

Guddigan Farsamo ayaa waxey markoodii hore ka koobnaayeen 11 Xubnood markii uu Wasiir Koowaad Rooble uu magacaabayay. Ha yeeshee, waxaa dib loogu darray Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed, waxeyna Tirada Guddiga Farsamo ay ka dhigtay 12 Xubnood.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxey u dhignaayeen sida soo socoto

1) In dhamaan ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2) In xuquuqda ciidamadaas sida mushaarka, darajooyinka iyo xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3) In si gooni ah loo xaliyo saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida darajooyinka, mushaaraadka iyo xuquuqda kale ee ciidan.

4) In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5) In Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

5a) In aysan ku milmin arrimaha siyaasadda.

5b) In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6) In la magacaabo guddi khubaro ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta ciidamada qaranka.

7) In aan ciidamada qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8) In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9) In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10) Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Isha Warkan: Bogagga Wararka Soomaalida

Leave a Reply