Guddoomiyaha Midowga Murashixiinta Iyo Duqa Muqdisho Ayaa Ka Wadahadlay Xaalada Muqdisho

 

 

05-05-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Murashixiinta Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu soo waramayaa in kulan gaar ah uu Xarunta Midowga Musharrixiinta uu kula yeeshay Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish).

Warka wuxuu ku darayaa in Kulankaasi looga wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo Xiisaddii ka dhalatay Isku-deygii Muddo Kororsiga Labada Sanno ee lala damacsanaa Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) isla markaana sii hareermaray Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya; kadib markii uu Qalinka ku duugay Muddo Kororsigii Xaaraanta ahaa ee uu ku dhaqaaqay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya Taariikhda marki ay aheyd 12dii Abriilo 2021da.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya; siiba Wararka Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe).

Leave a Reply