Faahfaahino Ka Soo Baxaya Qarax Ka Dhacay Muqdisho

 

05-05-2021

 

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira Qarax Qasaare geystey oo goor dhow ka dhacay xaafad katirsan Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ahaa nooca Miinada Dhulka lagu aaso, waxaana ay la qaraxday Gaari nooca loo yaaqaan SURF. Waxaa la sheegay inay ku dhinteen Seddex Qofood oo Gaariga saarnaa halka Qof dumar ah Wadada maraysay ay ku dhaawacantay.

Ciidamo katirsan Dowladda Feeraalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Degmada Kaxda ayaa gaaray Goobta uu Qaraxu ka dhacay, isla markaana sameeyay Baaritaano ku aadan Qaraxa, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka dadka dhintay.

– Jowhar News

 

Leave a Reply