Xubin Cusub Oo Lagu Daray Guddiga Xalinta Qalalaasihii Ka Dhacay Muqdisho

 

04-05-2021

 

Anti-government protesters burn photographs of President Mohamed Abdullahi Mohamed, also known as Farmajo, in the Fagah area of Mogadishu, Somalia, April 25, 2021. Photo: AP

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka soo tala bixiya Xal ka gaarista Qalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 11 (Toban iyo kow) Xubnood, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Guddigan ayaa waxaa dib looga daray Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo Guddiga ku noqonaya 12-xubnood , kuwaasi oo kasoo tala bixinaya Xal ka gaarista Qalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeday Muddo Kordhintii lasoo sameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roobe ayaa faray Guddigan ka kala socda Dowladda iyo Mucaaradkaa inay si toos ah u gutaan Waajibaadkooda Shaqo ee loo igmaday.

Hoos ka aqriso Magacyada Guddiga la magacaabay.

1) Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomioye

2) Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin

3) Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin

4) Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin

5) Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin

6) Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaalla) Xubin

7) Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin

8) Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas Dhageey) Xubin

9) Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin

10) Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin

11) Xildhibaan Mahad Maxamed Salad, Xubin

12) Xildhibaan Cabdixakiin Macalim Axmad, Xubin.

Isha: Radio Dalsan

Leave a Reply