Weerar Laga Soo Sheegayo Gobolka Jubbada Hoose Iyo Faah-faahin Laga Helayo

 

04-05-2021

 

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay Weerar ku qaadeen Kolonyo ay leeyihiin Ciidamada Kenya oo katirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Xilli ay ku socdaalayeen Degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo isugu jiray Qarax iyo mid toos ah ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Kaambooni iyo Buur Gaabo oo kawada-tirsan Gobalka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.

Dadka Degaanka ayaa waxaa ay ku warrameen inay maqlayeen Jugta Qaraxa iyo Rasaas ay is weeydaarsanayeen Labada Dhinac, hayeeshee aysan weli si rasmi ah u xaqiijin Qasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Al-Shabaab ayaa warar lagu qiray Baraha Internet-ka ee taageera, waxaa ay ku sheegteen inay Weerarkaas ku gubeen Gaari Cabdi Bille ah, sidoo kalena ay dileen Afar Askari oo katirsan Ciidamada Kenya wallow aysan jirin Dad Madaxbannaan oo xaqiijinaya Warkaas.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya ay iska sii wateen Socdaalkooda, iyaga oo sidoo kale sameeyay Howlgal Miino Baaris ah, maadaama dhowr jeer lagu qarxiyay Wadada u dhaxeysa Degaannada Kaambooni iyo Buur Gaabo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan Degaannada iyo Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose waxaa Qaraxyo iyo Weeraro toos ah lagula beegsadaa Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland, wallow mararka qaar ay qaadaan Weeraro ay la beegsadaan Xarumaha Al-Shabaab.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply