Wadahadalo Dhexmaray Axmed Madoobe Iyo Saraakiil Mareykan Ah

 

04-05-2021

 

Xarunta Maamul Goboleedka Jubaland ee Kismaayo ayaa laga soo sheegayaa in Galabta ay Wadahadalo ku yeesheen Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saraakiil Mareykan ah ee ka howlgasha Degaanada Maamul Goboleedka Jubaland.

Wadahadalada waxaa kaloo ka-qeybgalay Saraakiisha Ciidamada Maamul Goboleedka Jubaland, sida Talye Kuxigeenka Ciidamada Maamul Goboleedka Jubaland Maxamed Guuleed Xasan iyo Saraakiil kale.

Qoraal ka soo baxayna, Madaxtooyada Maamul Gobolleedka Jubaland, waxaa isna lagu sheegay in kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Dagaalka Kadhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Labada Dhinac ayaa isla soo qaaday sidii ay u Samaysan lahaayeen Iskaashi buuuxa oo ku qotoma sidii loo dardar galin lahaa Howlgalada Kadhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo Gacanta ku heysa Deegaano kamid ah Maamul Gobolleedka Jubaland.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply