Ciidamada Taageersan Midowga Murashixiinta Oo Shuruudo Ku Xiray Iney Xeryahooda Dib Ugu Noqdaan

 

04-05-2021

 

MUQDISHO – Ciidamada taabacsan Mucaaradka ee kasoo horjeestay Mudo Kordhinta ayaa Bayaan ay soo saareen ku sheegay in aysan ka bixi doonin Goobihii ay Farriisinka ka sameysteen kadib Qalalaasihii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 Xubnood, oo uu ku jiro Taliyihii Hore ee Booliska Gobolka Banaadir, Saadaq Joon iyo Saraakiil kale oo ay kamid yihiin Indho-cadde iyo Taliyihii Hore ee Ciidamada Gaarka ah ee Danab Ismaaciil Cabdimalik ee uu tababaray Mareykanka .

Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamadaan waxay uga digeen Dowladda inay hakiso Mushaaraadkooda, waxayna Wacad ku mareen inay kusii nagaadi doonaan Boosaskooda ilaa iyo inta uu Raiisul Wasaaraha ka qaadayo Talaabooyin Muuqda oo Kalsoonidii dib usoo celin kara.

Waxay dalbadeen in Shaqo Joojin lagu sameeyo Saraakiisha Militariga iyo Booliska ee lala xariirinayo ‘Madaxweynaha’ Xilka Ka Degaya, si Kalsooni looga dhex abuuro Labada Garab ee Ciidamada isku haya.

Midowga Yurub iyo Saaxiibada kale ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dhinacyada Is-Qilaafsan inay Xaaladda dajiyaan islamarkaana la kala qaado Ciidamada is ku horfadhiya Gudaha Magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo Afhayeen u ah Guddiga Saraakiisha ah oo Waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in ay dalbanayaan in ‘Madaxweyne Farmaajo’ uu wareejiyo Amniga Guud ee Dalka, iyagoo sheegay in ‘Madaxweynuhu’ Ciidanka ka dhex abuuray Qalalaase.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply