03-05-2021
Wasiir Koowaadka Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu Saxafiyiinta Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Dunida oo ku beegneyd Maanta, 3da Maajo ama Mey ee 2021da.
Rooble ayaa waxuu Warfidiyeenada Soomaaliya uu ku ammaanay Doorkooda, wuxuuna uu ballanqaaday in Dowladda uu u Madax yahay ay difaaceyso Xuquuqda iyo Xorriyadda Saxaafadda.
“Waxaa naga go’an in aan dhowrno bad-qabka Saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeenu gelayo xaalad doorasho, taas oo Saxafiyiintana saareysa masuuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo aan turxaan lahayn.”
Fariinta Wasiir Koowaad Rooble waa tann ee hoos taal.
Isha Warkan: Universal TV Somali