Madaxweynaha Tansaaniya (Tanzania) Oo Socdaal Ku Tageysa Kenya Iyo Ujeedka

 

03-05-2021

 

Madaxweynaha Dalka Tansaaniya (Tanzania), Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la filayaa inay Berrito Booqasho 2 Maalmood ah ku tagto Caasimadda Dalka Kenya ee Nayroobi (Nairobi).

Afhayeenada Aqalka Dowladda Kenya, Kanze Dena-Mararo ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta Casuumaad u fidiyey Dhigiisa Dalka Tansaaniya (Tanzania), waana Socdaalkeedii u horeeyey ee iyadoo Madaxweyne ah ku booqato Dalkaasi.

Kulanka Labada Madaxweyne waxa uu ka dhici doono Dhismaha Aqalka Dowladda Kenya ee Magaalladda Nayroobi (Nairobi).

Madaxweynaha Tansaaniya (Tanzania) waxay sheegtay inuu Maamulkeeda go’aansaday in la xaliyo qaar kamid ah Arrimaha u dhexeeya Labada Dal.

Bishii la soo dhaafay, Dowladda Kenya waxay ku hungowday Qorshooyin si wadajir ah oo lagu dhisi lahaa Dhuumo Shidaalka geeya Dalka Uganda, kadib markii ay Dowladda Tansaaniya (Tanzania) sababo la xiriira COVID 19 u xireen Xuduudka Dalkooda.

Dhinaca kale, Marwo Samia Suluhu Hassan waxay Bishii hore qaabishay Wasiirada Isboort(Sport) ee Dalka Kenya, Amina Mohamed, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Labada Waddan iyo sidii ay Guddiga Joogtada ee Isku-dhafka ee Labada Dal (The Joint Permanent Commission (JPC) uga wada hadli lahaayeen Qorshaha lagu xoojinayo Xiriirka Labada Dal.

Guddiga Joogtada ee Isku-dhafka ee Labada Dal waxa Kulnkoodii u dambeeyey yeesheen Sanadkii 2016kii.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dalka Tansaaniya (Tanzania) oo Xilkaasi loo caleemo saaray Bishii Febraayo (February) waxay noqotay Madaxweynihii u horeeyey ee Haweeni ah ee Madax ka noqoto Dalkaasi.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply