Howlgal Lagu Qabtay Xubno Katirsan Al-Shabaab

 

03-05-2021

 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Qeybta 60aad ayaa waxay Maanta Howlgallo kala duwan ka sameeyeen Degaano katirsan Gobolka Baay, halkaasi oo la sheegay in mararka qaar ay tagaan Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada ka fuliyeen Degaannada kala ah, Toos-wiine, Eel Dhuun, Adeegow iyo wadada aada Degmada Waajid ee Gobalka Bokool iyo Degaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidamada, gaar ahaan Qeybta 60aad ayaa waxaa ay sheegeen in Howlgalka lagu qabtay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen inay Falal Amni-darro ka wadeen Wadada aada Degmada Waajid Ee Gobalka Bokool.

Sidoo kale, Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay Holwgallada siiwadi doonan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Degaannadii Howlgalka laga fuliyay, lagana saarayo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar Weeraro ka fuliya.

Howlgalkan Ciidamada Dowladda, gaar ahaan Qeybta 60aad ay ka sameeyeen Degaano katirsan Gobolka Baay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa Xilli Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen Bar-kontorool oo laga ilaaliyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply