Midowga Musharaxiinta Baa Soo Dhoweeyay In Hoggaanka Doorashada Lagu Wareejiyo Rooble

 

02-05-2021

 

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu si buuxda ula wareegay Maamulka Doorashooyinka iyo Amniga Dalka, diyaarna u yihiin in Ra’iisul Wasaaraha kala shaqeeyaan Qabsoomida Doorasho Xor iyo Xalaal ah, kuna dhaca Waqtiga ugu dhow.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu Dhexdhexaad ka noqdo Arrimaha Doorashooyinka, uusana la safan dhinac kamid ah dhinacyada tartamaya.

Midowga Musharaxiinta Madaxweyanaha ayaa soo jeediyay in Xukuumadda Xilgaarsiinta magacaawdo Hoggaan mideyn kara Ciidanka Dowladda Federaalka, maadaama ay sheegeen in Ciidamada ay u kala qeybsameen Diidmada iyo Difaaca Muddo Kororsiga Sharci-darrada ahaa.

Halkan hoose ka aqriso Qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta;

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply