Maxay Ka Wada Hadleen Wasiir Koowaad Rooble Iyo Xubnihii Ka Socday Midowga Murashixiinta?

 

02-05-2021

 

Afurka kadib, waxaa Magaalada Muqdisho Shir ku yeeshay Wasiir Koowaadka Dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubno ka socday Golaha Midowga Murashixiinta oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Midowga Murashixiinta ahna Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Ahmed.

Shirka oo saacado socday, ayaa waxaa ka qeyb-galay Xubno ka socday Dowladda iyo qaar kamid ah Golaha Midowaga Murashixiinta, waxaana looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, iyo sidii Xal looga gaari lahaa Qilaafka taagan.

Shirkan ayaa ahaa mid ay Golaha Midowaga Murashixiinta ay Garab-istaag ugu muujinayeen Wasiir Koowaad Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii uu Shalay si rasmi ahaan ah ula wareegay Howlaha Doorashooyinka iyo Amniga Guud ee Qaranka.

Wasiir Koowaad Rooble ayaa wuxuu wadaa Dadaalo lagu xallinayo Dagaaladii ka dhacay Muqdisho 25tii Abriilo ee Sanadkan, isagoo la kulmaya Xubnaha Mucaaradka, kol hadii Shalay laga noqday Muddo Kororsigii dhaliyay Dagaalada Muqdisho.

Isha Warkan: Radio Kulmiye

 

Leave a Reply