Kulan Ay Wada Yeesheen Ergo Ka Socoto Dowladda Qatar Iyo Xubno Katirsan Midowga Musharaxiinta

 

02-05-2021

 

Hotel Decale oo ku yaalo Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa Cawada Fiidki Shir ku yeeshay xubno katirsan Midowga Musharixiinta iyo Ergo ka socoto Dowladda Qatar oo Xalay soo gaartay Muqdisho.

Ergida Qatar ka socoto ayaa waxaa hoggaaminayo Xubin Gaar ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq Al-Qahtani

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo weliba Qilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka, iyadoo Ergidan ay horay ula kulmeen Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Dowladda Qatar ayaa waxey saameyn weyn oo siyaasadeed ay ku leedahay Dalka Soomaaliya, waxaana lagu tiriyaa in ay kamid aheyd Dowladdaha Gacan Saarka Dhaw la lahaay Dowladda uu Madaxweynaha ka ahaay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xigasho: Hiran Online

 

 

Leave a Reply