Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Ayaa U Codeeyay Dib Ugu Noqoshada Heshiiskii 17dii Sebtember 2020kii

 

01-05-2021

 

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa Maanta yeeshay Kulan xasaasi ah, isla markaana ahaa mid gaar ah oo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Khudbad ugu jeedinayay Xildhibaanada.

Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo ayaa jeediyay Khudbad uu uga hadlay Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha iyo Doorashooyinka, islama rkaana ka hadlay Muhiimadda ay leedaha Xasilloonida Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu shaaciyay in uu Howlaha Doorashada iyo Amniga ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-garsiinta Maxamed Xuseen Rooble, muhiimna ay tahay in dib loogu laabto Heshiiskii ee 17dii Sebtember.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada u sheegay in Kulankaan loogu codeynayo Ka-noqoshada Xeerkii Jiheynta Doorashada, iyada oo laga amba qaadayo Codsiga ‘Madaxweynaha’.

Intaas kadibna, Xildhibaanada ayaa u codeeyay Ka-noqoshada Xeerkii Jiheynta Doorashada oo ogolaanayay Muddo Kordhin Laba Sano ah. Dhammaan Xildhibaanada ayaa u codeeyay, wax ka aamusayna ma jirin.

Sidoo kalana Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay Xildhibaanada in ay aqbaleen codsigiisa, islamarkaana ogolaadeen Dib Ugu Laabashada Heshiiskii 17dii Sebtember, una tanaasuleen Shacabka Soomaaliyeed.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply