Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka

 

01-05-2021

 

Shir ayaa wuxuu Golaha Baarlamaanka uga furmaya Xarunta Fila Hargeysa (Villa Hargeysa), iyadoo lagu wado inay baabi’iyaan ama ka laabtaan Muddo Kororsigii Labada Sano ee dhaliyay Xiisada Siyaasadeed iyo tan Amni Darrada ee Maalmihii la soo dhaafay ka jirtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Muddo ileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo in Baarlamaanka uu ka codsado sidii dib loogu noqon lahaa Heshiiskii Doorashada ee la gaaray 17kii Bishii Sebtember 2020kii isla markaana uu Golaha Baarlamaanka uu ka aqbalo.

Horay waxaa Farmaajo loogu baaqay in Howlaha Doorashooyinka uu ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Kalsooni ay ku qabaan dhamaan dhinacyada Soomaalida.

Ammaanka Madaxtooyada Soomaaliya iyo Agagaarkeeda, ayaa si aad ah loo adkeeyay.

Xigasho: Shaaciye News

 

Leave a Reply