01-05-2021
MUQDISHO – Wafdi ka socday Dowladda Qatar ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabduule Cusmaan (Aadan Cade) ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cismaan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan DFS.
Wafdigan oo ka soo kicitimay Magaalada Dooxa ayaa soo maray Magaalada Hargeysa.
Xigasho: Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliya