Fiqi: Awoodda RW Rooble Waxaa Soo Celiyay 4 Degmo Iyo Murashixiinta

 

01-05-2021

 

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo katirsan Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ah Wasiirka Amniga Gudaha Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay Go’aankii Farmaajo uu ka hor sheegay Golaha.

MUQDISHO – Xildhibaan Fiqi ayaa taxliiliyay Go’aankii Farmaajo uu qaatay Maanta, isagoo marka hore Tijaabiya Go’aankiisa, ayuu haddana dib ugu soo laabtaa Talada Dadka kale usoo jeediyaan; isagoo Tanaasul ku sheega!

Fiqi ayaa yiri “Oday Farmaajo bil ka hor markii teendhada Afisyoone la fadhiyey qodobadii uu diiday ayuu maantay ogolaaday ka dib markii uu tijaabiyey in aan dalkaan Xoog iyo qori caaradii lagu qabsan karin.”

Shirkii Dhuusamareeb IV (4) wixii uu ku diidanaa, 2 Todobaad kadib ayuu Baydhabo ku ogolaaday, wuxuu iska jecel yahay wax aan soconayn in uu isaga dhego kadibna si fudud uga fuqo, kuna darsado Liiska Tanaasulka.

Wiilasha Xaafadaha ee Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshid, Hodan iyo Hawlwadaag ayaan aaminsanaay in ay mar hore u codeeyeen in Heshiiskii 17kii Sebtember loo noqdo, wixii maanta aan Golaha Shacabka ku aragnayna, waxay ahaayeen Odoga Maryaha halagu celiyo.

Khudbada Farmaajo waxa kaliya ee laga qaadan karo waa inuu Raysulwasaare Rooble ku wareejiyey Mas’uuliyadda Doorashada iyo Amniga Dalka.

Waxaan rajaynayaa in Md. Rooble uu Waajibkiisa si dhexdhexaad iyo daahfurnaan u guto, Dalkana uu u horseedo in ay ka dhacdo Doorasho la isla wada oggol yahay. Farmaajo oo Musharax ah iyo Musharixiinta kalena uu u dhexeeyo isku sina ula macaamilo.

Awoodda Xafiiska Rooble waxaa soo celiyey Afarta Degmo iyo Midowga Musharixiinta intoodii Dabka gashay.

Oday Farmaajo nasiino wacan ayaan u rajaynayaa.

 

 

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply