Ergo Uu Hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ayaa Maanta Gaartay Degaanka Feerfeer

 

01-05-2021

 

Ergo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyle Cismaan ayaa la soo sheegayaa in Maanta ay gaartay Degaanka Feerfeer ee ku yaalo Soohdinta Soomaaliya ay la wadaagto Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ergada uu horkacayo Guddoomiyaha, ayaa waxaa kamid ah Wasiiro katirsan Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle sida Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gadiidka, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan; iyo Xubno kale.

Muggi (Marki) ay gaareen Degaanka Feer-feer, aa (Ayaa) waxaa ku soo dhaweeyay qeybaha kala gedisan (Kala duwan) ee Bulshada mahaasi (Halkaasi) deggen.

Waxaa lagu wadaa in Guddoomiyaha Ergada oo ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyle Cismaan uu Xariga ka jari doono Howlo mahaasi laga dhameeyay, kadibna uu Maamulka Feer-feer uu kala hadli doono sidii loo sugi lahaay Nabadgelayada Degaanka Feerfeer ee Gobolka Hiiraan.

Isha Warkan: Radio Kulmiye

 

Leave a Reply