Sidee Buu U Dhacay Weerarkii Ciidanka Haramcadka Ku Qaadeen Xarunta Mustaqbal Media?

 

30-04-2021

 

Muuqaal baahiyaha Warbaahinta Madaxbannaan ee Mustaqbal Media oo dhowaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho ay xoog ku galeen Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad, ayaa baahisay Wareysi Xasaasi ah, kaasi oo Su’aalo adag lagu weydiiyay Sarkaal katirsan Ciidamadaasi.

Askarigan oo aan Magaciisa la sheegin balse Muuqaalkiisa la daawan karo, ayaa wuxuu sheegay inay weerar ku qaadayaan Warbaahin kasta oo ka Aragti Duwan tan Dowladda Federaaliga Soomaaliya isla markaana aanay raalli ka ahayn.

Waxaa kale oo uu sheegay in Howlgalada lagu beegsanayo Warbaahinta Madaxa-bannaan ay ka dhaceen Xarumo dhowr ah, isagoona carabaabay Magacyada qaar kamid ah Warbaahinta ka howlgasha Muqdisho.

Axmed Ciise Guutaale, Maamulaha Guud ee Warbaahinta Mustaqbal Media oo ka warbixinayay Weerarka lagu qaaday Xaruntooda Dhexe, ayaa wuxuu ka codsaday Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya inay qaado Tallaabo looga hortegayo Tacadiga ay Ciidamada Haramcad u geysteen.

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Kulan dhex maray Maamulaha Warbaahinta Mustaqbal Media Axmed Ciise Guutaale iyo qaar kamid ah Madaxda iyo Maamulayaasha Warbaahinta qaarkood, wuxuuna kulankaasi ahaa mid lagu garab istaagayay Maamulka Sare ee Warbaahinta Mustaqbal Media oo dhowaan dhibaato loo geystay.

 

Dhinaca kale, waxaa socda Dadaalo kusaabsan sidii ay Dowladda Federaalka wax uga qaban lahayd Dhibaatada loo geystay Xarunta Warbaahinta Mustaqbal Media, kadib markii ay Ciidamada Haramcad ay qaateen qaar kamid ah Qalabkii ay Warbaahinta Mustaqbal Media ay ku howlgaleysay iyo burburintii ay Ciidamada Haramcad ay u geysteen qeybo kamid ah Xafiisyada Warbaahinta Mustaqbal Media.

Ugu dambeynti, Wareysiga ay Warbaahinta Mustaqbal Media ay ku baahisay Baraha Bulshada kadib markii uu dhammaaday Howlgalkii ay Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay ka fuliyeen Xarunta Warbaahinta Mustaqbal Media, ayaa wuxuu cadeynayaa Xadgudubyadda loo geysto Warfidiyeenada iyo Warbaahinta Madaxbanaan.

Isha Wakan: Somali Weyn News

Leave a Reply