Midowga Murashixiinta Oo U Digay Golaha Shacabka, Baaqna U Jeediyay Ra’iisul Wasaaraha

 

30-04-2021

 

Midowga Musharaxiinta ayaa uga digay guddoonka Golaha Shacabka ee Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday inay qaadaan Tallaabooyin lagu dibindaabinayo Xasilloonida iyo Geeddi socodka Doorashooyinka Dalka sidii dhacday 12 Abril iyaga iyo tiro Xildhibaano ay u qaateen Go’aan Sharci-darro ah oo Dalka u horseeday Qalalaase Siyaasadeed iyo mid Amni.

War Saxaafadeed ay soo saareen Midowga Murshixiinta ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu si buuxda ula wareego Hoggaanka Doorashooyinka iyo Amniga Guud ee Dalka, taasoo ay sheegeen in Tallaabadan ay sahleyso Dib-umideynta iyo Kalsooni Dhiska Ciidanka Qalabka Sida ee u kala qeybsamay Diidmada Muddo Kororsiga Sharci-darrada ah.

Halkan ka aqriso War Saxaafadeedka Midowga Murashixiinta;

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply