Guddoomiyaha Golaha Midowga Murashixiinta Ayaa Maanta Kusoo Noqday Muqdisho

 

29-04-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Murashixiinta oo maalmihii lasoo dhaafay ku maqnaa Dalka Dibadiisa, ayaa Maanta waxaa uu kusoo noqday Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shariif Shiikh Axmed waxaa Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) kusoo dhaweeyay Xubno kamid ah Golaha Midowga Murashixiinta iyo Xisbiga Hilimo Qaran ee uu hogaamiyo, Xildhibaano katirsan Labada Gole, iyo Howl-hayeeno kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa loo galbiyay Hoyga uu dhawaantan ka degay Magaalada Muqdisho, kaasi oo ku yaalo Aaga Mirinaayada; waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kulamo kula yeesho Xubno katirsan Mucaaradka isla markaana uu kala hadlo Jarrtii (Shaxdii) Siyaasadeed ee uu dhawaantan degay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidi loogu degi lahaa Jarr (Shax) kale oo Shanley ah.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media] waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Xiisaha leh isla markaana sii kulul.

 

Leave a Reply