Dowladda Mareykanka Oo Cunaqabateyn Dhaqaale Ku Soo Rogtay Soomaaliya

 

29-04-2021

 


Seal of the Department of the Treasury | Photo: Via Wikipedia

 

Dowladda Maraykanka ayaa ka dhabeysay Goodintii ku aadanayd inay Cunaqbatayn ku soo rogi doonaan Dowladda Soomaaliya , kadib Qalalaasaha Colaadeed ee ka dhashay Muddo Kordhintii Labada Sano ee uu Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo ee uu saxiixay.

Qoraal la soo dhigay Websit-ka Waaxda Maaliyadda ee Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya lagu daray Liiska Dalalka lagu soo rogay Cunaqabateynta dhinaca Dhaqaalaha ah.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey in Liiska Dalalka Cunaqabateynta la saaray ee Soomaaliya lagu daray in uu bilaawday Talaadadii Shalaymaantaan (Dorraad) ee Todobadkaan oo ay Taariikhdu aheyd 27dii Abriilo ee sanadkan 2021da.

Xafiiska Waaxda Maaliyadda Maraykanka ugu qaabilsan Xakameynta Hantida Shisheeyaha ayaana inta badan soo bandhigta Liiska Dalalka lagu soo rogo Cunaqabataynta Dhaqaale.

Bishan Abriilo oo keliya ilaa 5 Dal ayey Dowladda Maraykanka ku soo rogtay Cunaqabatayntaasi, kuwaasi oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Suuriya, Suudan, Koonfurta Suudan iyo Ruusiya (Raashiya).

Xigasho: Radio Risaala

 

Leave a Reply