Maamul Goboleedyada Gal-Mudug Iyo Hir-Shabeelle Oo Caddeyay Mowqifkooda Ku Aaddan Muddo Kordhinta

 

27-04-2021

 

War Saxaafadeed Wadajir ah oo ka soo baxay Maamul Goboleedyada Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle, ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin Dhacdoyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxayna u tacsiyeeyeen Dadkii ay Dhibaatadu soo gaartay.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen, Dagaallada Caasimadda ka curtay, waxayna Labada Maamul Goboleed ay isla garteen in Dalka ay ka dhacdo Doorasho, iyagoo ka soo horjeestay Muddo Kordhinta loo sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Labada Maamul Goboleed ee Gal-Mudug iyo Hir-Shabeelle waxa ay sheegeen in ay doonayaan in la qabto Doorasho lagu wada kalsoon yahay, laguna laabto Heshiiski 17kii Sebtember.

Maamul Goboleedyada Gal-Mudug iyo HirShabeelle waxa ay ka soo hor jeesteen wax kasta oo ka hor imaanaya Heshiiskii Doorasho ee Muqdisho lagu gaaray 17-kii Sebtember 2020.

Dowlad Goboleedyada iyo Madaxda Dowladda Federaalka ee Waqtigu Ka Dhamaaday ayay ugu baaqeen in ay qaadaan Tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah Hiregalinta Heshiirkii 17kii Sebtember.

Ciidamada Dowladda ayay ugu baaqeen in ay ka fogaadaan Ku-milanka Siyaasadda, Dadka Soomaaliyeed ayay sidoo kale ugu yeereen in ay meel uga soo wada jeestaan Cid kasta oo Qatar ku ah Amniga.

Ugu danbeyn Beesha Caalamka ayay uga mahad celiyeen Teegeerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply