Farmaajo Ayaa Laga Sugayaa In Goordhow Uu Ku Dhawaaqo In Muddo Kordhinta Ay Hareermarsaneed Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

27-04-2021

 

Warar laga soo diray Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana lasoo gaarsiiyay Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [Great Banadir Media]), ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi uu goordhow ku dhawaaqi doono in Muddo Kordhinta loo sameeyay ay Qalad aheyd; Qaladkaasina uu lahaa Guddoomiyaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Sidey doontaaba ha noqotee, Farmaajo wuu oggolaa markii Muddo Kordhinta uu sameynayay Guddoomiyaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, waana uu u saxiixay Muddo Kordhintii Hareermarsaneed Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Weyndiinta waxey tahay: sidee baa lagu aamini karaa Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo isla markaana sii hareermaray Dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya, hadane Qiil keensanayo?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya, siiba Gobolkii Banaaddir oo ka koobmo Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe.

 

Leave a Reply