Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Farmaajo Oo Xalay Gilgilay Muqdisho

 

27-04-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Qeybo badan oo katirsan Degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa Xalay laga dhigay Banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo Muddo Kororsiga loo sameeyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo, iyo Hareermarka Dastuurka Soomaaliya ee uu sameeyay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa Fiidkii hore ee Xalay, wuxuu ka bilaawaday Aagga Mirinaayada ee Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, wuxuuna kusii fiday qeybo badan, iyadoo Dadka dhigayane ay ku qeylinayaan Hadalo ay ku muujinayeen waxa ay dhibsanayaan isla markaana ay diidan yihiin.

Dadka Banaanbaxa dhigayey oo watay Codbaahiyeyaal, ayaa waxey ku qeynlinayeen Hadalo ka dhan ah Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo iyo Damaciisa Muddo Kororsiga Hareermarsan Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hadalada ay Banaanbaxayaasha ku qeylinayeen waxey ahaayeen:

Kaligii Taliye Dooni Meyno, Farmaajo Ha Dhaco, Mudo Kororsi Dooni Meyno, Farmaajo Waa Gacan Ku Dhiigle, iyo Erayo kale oo ay ku muujinayaan Diidmadooda ku aaddan Mudo Kororsiga Hareermarsan Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee lagu dhaqaaqay 12dii Bishan Abriilo ee Sanadkan 2021da.

Maha ama Goobta uu banaanbaxa ka dhacayay, aa waxaa soo gaaray Warbaahinta Madaxabanaan, saa Amnigooda waxaa sugayo Ciidamo kasoo horjeedo Muddo Kororsiga Hareermarsan Dastuurka amhuuriyadda Soomaaliya.

Muqdisho ayaa Saakay degan, inkastoo Dad Weynaha uu ku jiro Dareen ku aaddan Iskudhac dhexmaro Ciidamada Taageersan Muddo Korosiga iyo Ciidamada Diidan Muddo Kororsiga.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya; siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply