War Uu Xafiiska Qaramida Midoobay Uu Kasoo Saaray Dagaaladii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

26-04-2021

 

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Dagaaladii u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa taageersan Mucaaradka ee kasoo horjeeda Muddo Kordhinta Farmaajo oo Shalay ilaa iyo Xalay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin isku dhacyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macaaradka ee ka dhacay Degmooyin katirsan Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo la isku adeegsaday Hubka culus.

Qaramida Midoobay ayaa dhinacyada iska soo horjeeda ku boorisay inay muujinayaan Is-xakameyn, isla markaana la joojiyo Dagaalka, iyagoona xusay in Rabshadaha dhacaya aysan Xal u aheyn Is-mariwaaga Siyaasadeed ee haatan taagan.

“Bahda Qaramida Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan Is-xakamayn” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Qaramida Midoobay ayaa Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ugu baaqday inay si Deg-deg ah u bilaabaan Wada-hadal lagu joojinayo Dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay dhinacyada.

“Rabshaddu xal uma ahan Is-mariwaaga Siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si Deg-deg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan Wadahadal Degdeg ah” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Qaramida Midoobay.

Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Dagaaladii ka dhacay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, in kastoo aan si dhab ah loo xaqiijin inta uu la egyahay, waxaana weli la isku hor fadhiyaa Goobaha ay Dagaaladu ka dhaceen oo Dhufeysyo laga sameeystay.

Isha Warkan: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply