Rooble Ayaa Ka Hadlay Dagaaladii Ka Dhacay Muqdisho

 

26-04-2021

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay Dhibaatadii dhacday ee lagu Qalqal gelinayay Ammaanka iyo Nabadda Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoona ku baaqay in Cid weliba ay Nabadda ka shaqeyso Bulshaduna u turto.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa faray Ciidamada Amniga inay gutaan Waajibaadka Qaranka oo ay dhowraan Amniga Dadweynaha, kana hortagaan Qatar kasta oo dhibaato u keeni karta Bulshada Soomaaliya.

“Aad baan uga xumahay dhibaatadii lagu khalkhal galiyay amniga Caasimadda. Waxaan aaminsanahay in wadahadalku yahay xalka ugu habboon ee inoo furan, howshaaa oo aan bilaabay guulna ka rajeynayo.Aan ka wada shaqeyno nabadda iyo xasilloonida dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Dadka Soomaaliya, gaar ahaan Waxgaradka, Culimada, Bulshada Rayidka Ganacsatads, Haweenka iyo Dhallinyarada in laga wada shaqeeyo Xasilloonida iyo Nabadgelyada Dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply