Qarax Lagu Dilay Mas’uul Katirsanaa Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose

 

25-04-2021

 

Wararka ka imanaya Degmada Daafeet oo hada loo yaqaano Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay sheegayaan in Xalay Saqdii Dhexe Qarax Miino lagu dilay Guddoomiyihii Deegaanka Leego oo lagu magacaabi jiray Xasan Gucdur.

Warka wuxuu ku daray in Saraakiil katirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ay Warbaahinta u sheegeen in Guddoomiyaha Gaarigiisa loogu xiray Qaraxa oo Xalay Saqdii Dhexe lagula eegtay Gudaha Degmada Daafeet ama Degmada Wanlaweyn oo maalmihii ugu danbeeyayba uu ku sugnaa.

Ciidamada Qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo isla Xalay gaaray Degmada Daafeet ama Wanlaweyn, ayaa bilaabay Baaritaanno arintan la xiriirta. Hase ahaatee, lama sheegin Cid loo qabtay Dilka Guddoomiyaha Degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Isha Warka: Hiran Online

Leave a Reply