Madaxweynehii Hore Xasan Sheekh Oo Sheegay In Ciidamada Dowladda Ay Hoygiisa Soo Weerareen

 

25-04-2021

 

Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in Ciidan ka amar qaata ay Weerar ku soo qaadeen Hoygiisa oo ku yaalla Xaafadda Mirinaaya ee Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo uu Bartiisa Facebook ku daabacay Madaxweyne Hore Xasan Sheekh ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay Weerarka ay Ciidamada Dowladda Hoygiisa Galabta ku qaadeen.

“Waxa nasiib darro weyn ah in Ciidan ka amar qaata madaxweynehii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah uga ma hadlin Dagaalka galabta ka dhacay Xaafadda Mirinaayo, kaasi oo la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sidoo kale Madaxda Mucaaradka sida Ra’iisul wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre, Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdirshakuur ayaa si adag u cambaareeyay dagaalkaas.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply