Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir CC Warsame Oo Farmaajo Ku Eedeeyay Weerar Lagu Soo Qaaday

 

25-04-2021

 

MUQDISHO – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Waqtigiisu Dhammaaday ee Farmaajo Mas’uuliyadda Weerar lagu soo qaaday Hoyga uu ka deggan yahay Magaalada Muqdisho oo ku yaal Agagaarka Isgoyska Lambar Afar.

Hoggaamiye CC Warsame ayaa Bartiisa Facebook Qoraal kooban uu kusoo qoray ayuu Eedda Mas’uuliyadda Weerarkaas dusha uga tuuray Madaxweynaha Waqtigu ka Dhammaaday ee Farmaajo, waxa uuna yiri “Ciidanka Farmaajo ayaa Weerar ku soo qaaday Hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in Ciidanka loo adeegsado Siyaasadda. Waxaa ila jooga Xildhibaano iyo Siyaasiyiin iigu yimid Afur iyo Wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada Weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.”

Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday Hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadair ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee Mucaaradka ah. Lama oga ilaa iyo hadda Qasaaraha Weerarkaasi, balse waxaa la sheegayaa in Ciidamada Labada Dhinac ay is weydaarsanayaan Hubka culus.

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply