Dagaal Culus Baa Ka Socda Degmada Cabdicasiis Ee Magaalada Muqdisho

 

25-04-2021

 


File – An aerial view of downtown Mogadishu, Somalia, seen on February 14, 2018. © Feisal Omar, Reuters

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Dagaal culusu ayaa wuxuu haatan ka soconaya Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Cabdicasiis, wuxuuna u dhexeeya Ciidamo Taageersan Muddo Kordhinta Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya ee uu Golaha Baarlamaanka Soomaaliya uu sameeyay 12dii Abriilo ee Sanadkan 2021da iyo Ciidamo kale oo ka soo horjeedo Muddo Kordhinta Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya ee uu Golaha Baarlamaanka Soomaaliya uu sameeyay isla markaana uu usii sameeyay Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa ku waramayo in Dagaalka uu gaar ahaan ka soconayo Qeybta ay Degmada Cabdicasiis ay ka deggan yihiin Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Rasaasta ay isweydaarsanayaan Taageerayaasha Muddo Kordhinta Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya iyo Diideyaasha Muddo Kordhinta Hareermarsan Dastuurka Soomaaliya, ayaa waxaa laga maqlayaa Degmooyin kale oo ka baxsan Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa hada aad u kacsan Xaalada Magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya, siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe.

 

Leave a Reply