Ciidamo Milatari Ah Ayaa La Wareegay Isgoyska Fagax Ee Magaalada Muqdisho

 

25-04-2021

 

Ciidamo Milateri ah oo Xalay ka soo baxay Furimaha Dagaalka Deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxey Saakay Gudaha u soo galeen Xaafado kamid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho, kadib markii lagu guuldareystay isku daygii lagu doonayay in Ciidankaas dib loogu celiyo Aagaggii ay ka soo baxeen.

Ciidamadan Milateriga ah oo ku hubeysan Gaadiidka Tiknikada ah ayaa waxey goordhow gaareen Isgoyska Fagax oo kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, waxeyna la wareegeen Isgoyska Fagax kadib markii Ciidamadii Boliiska ahaay ee horay ugu sugnaa ay iskaga baxeen iyadoo aanan wax Iska-horimaad ahba dhicin.

Wararka qaar ayaa waxey sheegayaan in Ciidamadan Milateriga ah ay kasoo horjeedaan Muddo Kororsiga Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Faramaajo, waxeyna doonayaan inay la wareegaan dhammaan Isgoysyada iyo Wadooyinka muhiimka ah ee Waqooyiga Muqdisho.

Isha Warkan: Jowhar News

Leave a Reply