Banaanbax Looga Soo Horjeedo Farmaajo Oo Muqdisho Ka Bilaawday

 

25-04-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Banaanbax looga soo horjeedo Muddo Kororsiga uu Golaha Baarlamaanka Soomaaliya uu u sameeyay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu ka socdaa Isgoyska Fagax ee kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Dadka banaanbaxaya ayaa waxey Bartamaha Isgooyska Fagax ay ku gubayaan Taayaro, iyagoo ku dhawaaqayo Hadalo ay ku ku muujinayaan waxa ay dhibsanayaan isla markaana ay diidan yihiin.

Waxey ku qeylinayaa Erayada soo socdo:

– Muddo Kororsi Doonimeyno, Farmaajo Doonimeyno, Kaligii Taliye Doonimeyno.

Banaanbaxayaasha waxey hakad geliyeen isku socodka Gaadiidka kadib markii ay Dhagxaan dhigeen Waddooyinka, waxaana Banaanbaxayaasha ilaalinayo Ciidamo Milalteri ah oo Saacado kahor la wareegay Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Xaalada Isgoyska Fagax ayaa hada ah mid kacsan, waxaana looga yeeray Warbaahinta Madaxbanaan ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in Saraakiisha Ciidamada Milatariga ay saacadaha soo socda ay la haldlaan Warbaahinta Madaxbanaan ee ka howlgasha Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya; siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply