Xiisad Dagaal Ayaa Ka Jirto Degaan Katirsan Gobolka Hiiraan

 

24-04-2021

 

Xiisad Dagaal ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay Maanta ka taagan tahay Degaanka Deefoow ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana ay u dhexeysa Laba Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan Degaankaas.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Xiisada ay Salka ku heeyso Dadka Degaankaas oo ku kala qeybsamay Dhismaha Buundo la sheegay in laga dhisayo Wabiga maro Degaanka Deefoow, si looga hortago Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Qof kamid ah Dadka ku nool Degaanka Deefoow ayaa sheegay inay soo wajahday Cabsi ballararan oo ku aadan inay Laba Maleeshiyo dagaalamaan, kuwaas oo isku hor-fadhiya Degaanka, isla markaana sababi karta inay dagaalamaan.

Masuliyiin katirsan Maamulka Dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiye ee Feerfeer ayaa Shalay halkaas tagay, iyaga oo markii dambe ay Kulamo la qaateen Odayaasha Labada Dhinac aan wax Natiijo ah laga gaarin.

Maamulka Goboleedka Hir-Shabeelle oo la sheegay inay cashuureen Dhismaha Buundadan ayaan wali ka hadlin Xiisad Dagaal ee kataagan Degaanka Deefoow, taaso sababi karto Gacan ka hadal dhex-mara Labada Maleeshiyo Beeleed oo hubeysan.

Xigasho: Shaaciye News

Leave a Reply