Gudoomiyaha Beledweyne Ayaa Digiin U Diray Hay’adaha Samafalka

 

24-04-2021

 

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Cismaan Dhicisow Dhuubow ayaa Digiin Culus waxaa uu u diray Hay’adaha Samafalka ka howlgallo Gudaha Magaaladaasi Beledweyne.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ayaa wuxuu sheegay inay la socdaan n Hay’adaha Samafalka ay si Dhuumaaleysi ah oo Geedaha hoostooda ah ay wax ku bixiyaan, waxana uu ku amray inay si Deg-deg u soo galaan Gudaha Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu Hadalkiisa uu ku daray Guddoomiye Cusmaan Dhicisow Dhuubow in Mas’uuliyiinta Hay’adah Samafalka markii ay soo gaaraan Magaalada Beledweyne aysan Wadatashi la sameyn Maamulka, balse Dad gaar ah ay kala tashadaan Waxsiinta Dadka Dantayar ah.

Ugu dambeyn waxaa uu uga digay Hay’adaha Samafalka inaysan qeybin Waxyaabo aysan la socon Maamulka, hadii ay sameeyaana ay Tallaabo ka qaadi doonaan , sidoo kalena uu ka dalbaday inay isa-soo diiwaangeliyan.

Warkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa Xilli dhowr jeer uu Qilaaf soo kala dhex-galay Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Beledweyne iyo Hay’adaha Samafalka, kaas oo salka ku haayay Gargaarka la siinayo Dadka ku barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply