Ergo Ka Socotay Baydhabo Oo Booqatay Baraawe

 

24-04-2021

BARAAWE (WBW: The GBM) – Ergo uu horkacayay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa Shalay booqday Degmo Xeebeedka Baraawe ee katirsanaan jirtay Gobolkii Banaadir (Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), haddase lagu tiriyo Maamul Goboleedka Koofur Galbeed oo isna katirsanaan jiray Gobolkii Jubbada Sare (Baay, Bakool & Gedo)); kahor intaanan loo soo sikin Degaanada Gobolkii Banaadir (Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Sanadkii 2014tii.

Ergada waxaa Garoonka Dayuurada Baraawe ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Baraawe, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Baraawe, Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Baraawe, iyo Xilhayeena kale.

Hogaamiyaha Ergada oo ah Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa waxaa uu Xarunta Degmada Baraawe uu kula hadlay qaar kamid ah Dadweynaha Degmada Baraawe, wuxuuna u sheegay in socdaalkooda uu la xiriiro Howlo isla markaana inta ay ku sugan yihiin Degmada Baraawe ay Howlahaasi kala hadli doonaan Hogaanka Howlwadeenada Degmada Baraawe.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Dalka Soomaaliya, Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply